7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Madaxweyne Biixi: Diyaar ayaanu u nahay in aanu Shiinaha xidhiidh wanaagsan la yeelano
 

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Shiinuhu aanu xaq ugu lahayn in uu Somaliland ugu cadhoodo xidhiidhka Taiwan, waxaanu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Shiinaha xidhiidh fiican la yeeshaan.

Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay idaacada VOA Somali, ayaa la waydiiyay in Shiinuhu uu wax yeelayn karo aqoonsi raadinta Somaliland, kadib cadhada uu ka qaaday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, madaxweynaha ayaa ku jawaabay in Shiinuhu aanu xaq u lahayn in uu Somaliland u cadhoodo.

"Shiinuhu in uu anaga noo cadhoodo xaq nooguma laha, dal madaxbannaan oo ciday doonaan xidhiidh la yeelanaya ayaanu nahay, hanoo cadhoodo hadii aanu isaga wax yeelay, lakin hadii anaan waxbaba isyeelin cadhadaa gar uma arko" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay, in ay xidhiidh fiican la yeelato Shiinaha, si lamid ah sida Taiwan, waxaanu sheegay in uu rabo in xidhiidhka Shiinuhu uu wanaagsanaado.

"Diyaar ayaanu u nahay in aanu Shiinaha xidhiidh wanaagsan la yeelano, anagu Taiwan Jimciyada Quruumah ka dhaxaysa manaan gayn, hadii aanu anagu ictiraaf hayno aanaga is ictiraafi lahayn, Shiinuhu isna waa noo baahanyahay anana waanu u baahanahay, in uu xidhiidhkayagu wanaagsanaada waanu jecelnahay" ayuu hidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in anay Shiinaha u haynin wax dhibaato ah isagana ay sidaa si lamid ah ka rajaynayaan "Wax dhibaato ah uma hayno isagana sidaa si leeg ayaanu ka rajaynaynaa, sidaa aanu Taiwan ula xidhiidhnay ayuun baanu isagana in uu xidhiidhkayagu wanaagsanaado u jecelnahay".

Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha ayaa xumaaday kadib markii, ay Somaliland xidhiidh la yeelatay Taiwan oo uu Shiinuhu aaminsanyahay in ay tahay qayb dhulkiisa kamid ah.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online