7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Jubbaland oo soo gabagabeeyay doorashada kuraastii taalay deegaan doorashada koowaad ee Kismaayo


Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Guddiga Hirgelinta doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa Maanta magaalada Kismaayo kusoo gabagabeeyay doorashada kuraastii deegaan doorashadoodu aheyd magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka oo deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay magaaladaasi, kuwaasi oo sumadoodu kala tahay HOP 133 iyo HOP 219.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday Kismaayo oo tirsigiisu yahay HOP 133 waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Aadan oo helay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod, kadib markii uu tanaasulay Musharax Maxamuud Axamed Xasan oo la tartami lahaa.

Kursiga labaad ee doorashada Maanta ka dhacday Kismaayo ee sumadiisu tahay HOP 219 waxaa kusoo baxday Roodo Carab Cabdi oo heshay 78 cod, halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartantay ay heshay 20 cod, waxaana halaabay 3 cod kaliya.

Doorashadaan Maanta ay ku qabeen guddiga doorashada Jubbaland magaalada Kismaayo ayaa aheyd tii ugu dambeysay deegaan doorashada koowaad ee Jubbaland, waxaana harsan 16 kursi oo taala deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi oo ah magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas wali oo khilaaf xoogan ka taagan yahay hanaankii loo qaban lahaa doorashadooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online