7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka ATMIS
 

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka ATMIS-ka ee lagu bedelayo AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) Gen. Wilson Mbasu Mbadi ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay guutada 35-aad ee (UGA BAG XXXV) ee loo soo diray Soomaaliya si ay uga qeyb galaan howlgalka cusub ee ATMIS.

"Markaad aadeysaan Soomaaliya, iska hubiya inaad soo laabataan idinkoo bad qaba. Al-Shabaab waxay idinku tahay halis weyn. Waa inaad aad uga taxadirtaan inay helaan xoriyad ay ku geystaan ​​falal argagixiso. “ayuu yiri Gen. Mbadi.

U soo daabulitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo 10 maalmood ka dib magaca AMISOM loo beddelayo ATMIS oo ku beegan 31-ka March 2022.

Uganda ayaa ah kuwa ciidamadeedu fursadaha ugu badan ka heysata howlgallada Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ka jooga ugu yaraa  6,000 askari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online