7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Booliska degaanka Soomaalida oo qiray in magaalada Bambaas lagu dilay 8 qof halka 11 kalena lagu dhaawacay
 

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Taliyaha Booliska dowlad degaan Soomaalida Sarreeya guuto Maxamed Xasan Cali, oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay siday u dhacday dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Bambaas ee dadka lagu laayay, iyo siday hawshu ahayd.

Taliyuhu wuxuu xusay in ugu horreynba uu khilaaf ka jiray arrinta caleema saarka Ugaaska, oo ay jirtay qolo kasoo horjeedda qolada kale ee ugaaska caleema saaranaysa, Booliskuna uu goobta u soo gaaray si uu usugo amniga, maadaama laga cabsi qabay inay goobta dhibaato ka dhacdo.

Taliyuhu wuxuu sheegay in qolada Ugaaska caleema saaranaysay ay xireen jidkii laamida ahaa ee magaalada Bambaas dhex marayay kaas oo isku xira Bamaas iyo Baabili, intaa kaddibna uu Boolisku dadkii ku amray in jidka la furo maadaama Gawaaridii jidka marayay ay xanibmayaan.

Intaa kaddib Taliyuhu wuxuu sheegay in xabado laga soo riday dhinicii dadkii caleema saarka waday oo taliyuhu sheegay inay ku dhex jireen dad hubaysan, oo iyagu dano kale watay, oo lagu soo riday Booliskii, halkaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray qaar kamid ah ciidankii Booliska, sidaa darteedna uu Boolisku ka jawaabay rasaastii lagu soo riday, iyadoo goobta ay ku dhinteen 8 qof oo shacab ah 11 kale ay ku dhaawacmeen, waa siduu hadalka u dhigay taliyuhu.

" Waan ka xunahay dadkani inay dhintaan, dadku waa dadkayagii waana u tacsiyaynaynaa, inay dhintaana raalli kama nihin, laakiin dadkan waxaa ku dhex jiray dad hubaysan, waxay toogteen sarkaalkii ciidanka watay, waana lagaran karaa waxay samayn karaan ciidan sarkaalkoodii la dhaawacay, iyaguna way ka falceliyeen, sidaas ayay dhacdadu ku dhacday" ayuu yiri Taliyaha Booliska dowlad degaan Soomaalida Sarreeya guuto Maxamed Xasan Cali.

Ugu dambayn taliyuhu wuxuu sheegay inay ka xun yihiin waxa meesha ka dhacay, raallina aysan ka ahayn, sidoo kalena ay baadhis ku wadaan oo ciddii ay ku caddaato loo gudbinayo meesha ay khusayso.

Abdilahi Jowhar, Hiiraan Online
[email protected]