7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Magaalada Xudur oo maalmo koronto la’aan ah
 

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool ayaa maalmihii lasoo dhaafay aheyd koronto la’aan, kaddib sara u kac ku yimid qiimaha shidaalka iyadoona magaalada wali ay ku jirto go’doonkii ay geliyeen kooxda al Shabaab.

Xerow Sanweyne Daadoow oo ah maamulaha shirkada korontada bixisa ee magaalada, ayaa sheegay in markii hore fuustada shidaalka ay ku iibsan jireen $500 dollar, halka magaalada Baydhabo ay ka aheyd lacag dhan $100 dollar iyo wax la jira, balse maamulaha ayaa intaasi ku daray in hadda fuustadii shidaalka ay mareyso $600 oo dollar.

Sara u kac xooggan ayaa ku yimid shidaalka caalamka, kaddib duulaankii Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, waddamo ay ku jirto Soomaaliya ayaa sara u kacaasi laga dareemay boqolkiiba boqol.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horaantii bishan Maarso fartay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keena shidaalka in ay si naxariis leh oo ay ku jirto dal jaceyl iyo damqasho ay ula macaalimaan dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala shidaalka, gaar ahaan gaadiidleyda, shirkadaha korontada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kooxda al Shabaab ayaa muddo sannado ah go'doon ku haya magaalada Xudur, taas oo ay ka dhalatay sicir barar iyo xaalad bani’aadminnimo, iyadoona hadda ay ugu darsoontay koronto la’aan.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]