7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay jadwalka doorashada laba kursi

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta ku doorashadoodu taalo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyay jadwalka doorashada labada kursi iyo guddiga xulista ergada labada kursi ee kala ah HOP 063 iyo HOP 011.

Qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah taariiqduna tahay 21-03-2022 ay bilaabaneyso diiwaan gelinta ergada iyo Musharaxiinta ku tartameysa labada kursi, islanarkaana maalinta berito ah ay qaban doonaan doorashada kuraastaan.

Shaacinta jadwalkaan qabashada doorashada labada kursi ayaa imaaneysa xili shalay xilkii guddoomiyenimo laga eryay guddoomiyahii hore ee guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, islamarkaana guddiga ay guddoomiye cusub isla shalay u doorteen Maxamed Xuseen Maxamed Waadi.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online