7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Gen. Odowaa: Dowladda Soomaaliya waxay diyaarisay nidaam looga hortagayo in hubka dowladda uu gacanta u galo Alshabaab
 

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Taliyaha ciiddanka milatariga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay inuu socdo nidaam cusub oo lagu diiwaan galinayo hubka iyo rasaasta dowladda, si looga hortago inay si qarsoodi ah gacanta ugu galaan Alshabaab ama loo adeegsado si qaldan.

Taliye Odowaa oo ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay xamaynta qulqulka hubka, ayaa tilmaamay xakamaynta hubka, inay wadada u xaarayso sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabataynta hubka ee saaran.

Gen, Odowaa wuxuu sheegay cunaqabataynta hubka Soomaaliya inay dib u dhac ku keentay dib u dhiska ciiddamada qaranka Soomaaliya, wuxuuna sheegay dowladda Soomaaliya inay masuuliyad adag iska saartay maamulka hubka.

“Annagoo og kuna baraarugsan halista iyo dhibaatada uu keeni karayo hubka, maadaama aan ognahay dalkaan inay ka dagaalamayaan ururo argigixiso oo halistooda leh, si kastana iskugu dayaya inay helaan hub ay ku dhibaateeyaan ummadda Soomaaliyeed, ciiddanka xoogga Soomaaliyeed wuxuu diyaariyay habraacyo lagu maamulayo hubka iyo rasaasta, habraacyadaas oo la marsiiyay golaha wasiiradda,” ayuu yiri Gen, Odowaa.

Wuxuu sheegay in dowlad goboleedyada laga caawin doono sidii ay iyagana dhankooda u xakamayn lahaayeen hubka gacanta ugu jira.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online