7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Somaliland oo maxkamadaha caalamka u gudbinaysa dooda madaxbannaanida
 

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dacwada madaxbannaanida Somaliland u gudbinagso maxkamadaha caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dowlada Soomaaliya ka dacwaynayaan, maxkamadaha waa wayn ee caalamka, "Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahanahay in aynu dowlada Soomaaliya gayno maxkamada kasta oo aduun ka ah".

Wasiirka ayaa xusay in maxkamadaha Afrika, ICJ iyo Carabta ay gaynayaan dooda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwadan oo uu sheegay in ay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.

Xukuumada Somaliland ayaa sidookale horay u sheegtay in ay dooda qadiyada madaxbannaanida Somaliland u gudbinayso baarlamaanada dowladaha caalamka. Wasaarada arimaha dibada ayaa bishii hore ee sannadkan iskugu yeedhay wakiilada Somaliland ee dibada, iyadoo sheegtay in dib loo qaabaynayo ollolaha ictiraaf raadinta.

Wasiirka ayaa ka hadlayay manaasibad casho ah oo waftiga Somaliland la yeesheen qurba joogta reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Maraykanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online