7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabeelle oo doortay guddoomiye cusub
 

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw ku doortay magaalada Baledweyne guddoomiyaha guddiga, kadib markii subaxnimadii hore ee Maanta madaxweynaha Hirshabeelle uu xilkii ka qaaday guddoomiyahii guddiga Axmed Xasan Diini.

Xubnaha guddiga ayaa hab gacan taag ah waxay ku doorteen guddoomiyaha cusub ee guddiga Maxamed Xuseen Maxamed Waadi, maadama aysan jirin cidkale oo isku soo sharaxday qabashada xilka guddoomiyenimo ee guddiga.

Doorashada guddoonkan cusub ee guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa imaaneysa xili uu duhurnimadii Maanta kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyahii hore ee guddiga Axmed Xasan Diini. Kaasoo wareegto kasoo baxday Xafiiska Cali Guudlaawe xilkii guddoomiyenimo looga qaaday.

Maalmahii lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf xoogan oo ka dhex taagnaa madaxda ugu sareysa Hirshabeelle oo salka ku haayay hab maamulka kuraasta doorashadooda taalo magaalada Baledweyne, taasoo sidoo kale saameyn ku reebtay guddiga doorashada Hirshabeelle inuu lakala safto labada masuul ee ugu sareysa Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online