7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Madaxweyne Biixi oo sheegay in safarkiisa Maraykanka uu guulo waa wayn ka gaadhay
 

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayay jaalliyada Somaliland ee Maraykanka, ayaa sheegay in ay meel fiican u marayaan heshiisyo Somaliland loogu furayo wada shaqaynta baananka caalamka, isagoona sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu Somaliland la shaqeeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo kaxaystay qaar kamid ah ganacsatada waa wayn ee Somaliland, si ay Maraykanka ugala xaajoodaan in Somaliland loo furo suuqa ganacsiga caalamka, iyo wada shaqaynta baananka caalamiga ah sida Baanka Adduunka.

"Ra'yiga aanu isu soo raacnay wuxuu ahaa, waar dadkeenu wuu yar yahay, lacagna waynu haysanaa, ma baryootamayne, waar Maraykanow lacagtaadii anaga haynee...xanimaada lacagta aad leedahay laydinma ictiraafsana, lacagta maan la ictiraafsanayn taasina meel aad iyo aad u wanaagsan ayay maraysa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkooda guusha ugu wayn ee ay ka gaadheen ay tahay in lacagta loo furo Somaliland, "Socdaalkan guushiisa ugu wayni waxa weeyaan, ictiraafka lacagta iyo baayacmushtarka ayaynu gaadhayna intaynaan ka siyaasiga ah gaadhin, mar hadii dhaqaalahaasi inoo hirgalana dhibaato inteeda badan waynu ka baxnay".

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowlada Maraykanku ay diyaar u tahay in ay la shaqaysato Somaliland, "Waxa aniga maanta goobjoog Alle iiga dhigay, oo aan xanuun walba oo lasoo maray ku iloobaya, dowladiii Maraykan, oo baarlamaankeedii iyo dowladeediiba leedahy waynu isku baahanaye Somaliland-nay maxaynu wada qabsanaa".

Madaxweynaha ayaa sheegay in waxyaabaha ugu waa wayn ee Somaliland ka iibsamay ay yihiin, nabadda 30 sanno jirsatay, dimuquraadiyada iyo doorashooyinka, iyo mandaqada istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo, oo caalamka oo dhani aad u danaynayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online