7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo sameeyay koox dhaqan galisa xeerarka howlgalka cusub ee ATMIS

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Taliyeyaasha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo gebagebeeyey shir socday muddo shan maalmood ah, iyagoo ku heshiiyey in la sameeyo koox farsamo oo isku dhaf ah oo dhaqangelisa xeerarka howlgallada cusub ee ATMIS.

Kooxda wadajirka ah oo ay sidoo kale ka mid noqon doonaan saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka shaqeyn doona hirgelinta  Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) kaas oo bedeli doona AMISOM laga bilaabo 1-da Abriil.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in guulihii ay gaartay AMISOM tan iyo markii ay Soomaaliya ka howlgashay sanadkii 2007-dii ay tahay in lagu xoojiyo ATMIS iyada oo la tayeynayo ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay ugu diyaar garoobaan in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay kala wareegaan ATMIS sanadka 2024-ka.

"Dowladda waxaa ka go'an in ka badan sidii hore in ay xaqiijiso in ciidamadeeda ammaanka ay noqdaan kuwo tayo leh oo loo qalabeeyo si ay u gaaraan heerka looga baahan yahay guulaha laga gaaray hirgelinta CONOPS iyo in la buuxiyo halbeegyada Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirku waxa uu ku baaqay in la kordhiyo hawlaha isku dhafka ciidamada ee hoos yimaada ATMIS si bulshada deegaanka ay u dareemaan saameynta wanaagsan ee nabad ilaalintu ay ku yeelanayaan nolol maalmeedkooda, ayna kala shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa carabka ku adkeeyay in saaxiibada caalamka ay u baahan yihiin in taageero dhanka saadka ah lagu taageero oo kaliya howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga iyo ATMIS, balse sidoo kale ay si madax banaan u fuliyaan ciidamada XDS.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online