7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Hirshabelle oo eedeeyn u jeediyay madaxweyne Guudlaawe

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii Guddiga Doorashada heer dowlad-gobolleed ee Hirshabelle Axmed Xasan Diini, oo xalay xilka laga qaaday ayaa ku eedeeyay madaxweyne Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan maamulka in ay fara-gelin ku hayaan hannaanka doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayaa xalay xilka ka qaaday guddoomiyahii guddiga, waxaana uu u sababeeyay in uu ka leexday habsami u socodka habraaca doorashada 2021/2022, khatarna galiyay amniga xubnaha guddiga iyo goobta doorashada iyo hufnaan la'aan dhinaca shaqada.

Balse Axmed Xasan Diini, oo maanta qabtay shir jaraa’iid ayaa sheegay in doorashada ay soo wajahday caqabad iyo faragelin uu sheegay in ay ka imaaneyso madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo sidoo kale xildhibaannada maamulka.

“Waxaad ogtihiin in doorashada Hirshabelle ay hakad ku jirtay maalmahan dambe, sababo la xiriira faragelin ay ku hayeen maamulka Hirshabelle. Madaxweynaha waxaa uu qaatay go’aanno kasoo horjeeda doorashada iyo in madaxtooyada uu ka sameystay koox xildhibaanno iyo wasiiro isugu jira, halkaasna la leeyahay wax halagu diiwaan-geliyo” ayuu yiri Axmed Xasan Diini.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Maxamed Xuseen Maxamed Waadi, u magacaabay xubin ka mid ah Guddiga Doorashada heer dowlad-gobolleed ee Hirshabelle.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]