7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Muqdisho kaga wada hadlaya xakamaynta hubka
 

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliyaa ayaa Muqdisho ka wada shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha Hubka & Maareynta Rasaasta, kaasoo maanta la filayo in warsaxaafaddeed lagasoo saaro.

Shirkaan oo mid istaraatiiji ah ayay dowladda Soomaaliya ku muujinaysaa sida ay uga go'an tahay arrimaha ku aadan xakameynta hubka iyo rasaasta

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku wajahan tahay dejinta qorshayaasha cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya, inkastoo Soomaaliya hadda wajahayso eedeymo ku saabsan in si qarsoodi ah hubka loosoo galiyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo Afrikaan ah oo ka soo kabanaya colaado weli la daalaa dhacaya cawaaqib xumada ka dhalan karta kororka iyo isticmaalka hubka oo aan la xakameynin.

January 2014, kadib go’aamadii golaha amaanka ee (qararkii 2093 iyo 2142) ee ahaa in qayb ka mid ah laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya 20-kii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya ayaa fursad loo siiyay in ay dhisto awood ay ku sugto amniga dadkeeda iyo dhulkeeda.

Ujeedka ugu weyn ayaa ahaa in laga caawiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayaynta ciidankeeda, si ay si hufan u ogaato ugana jawaabto caqabadaha la xiriira maamulka hubka iyo rasaasta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online