7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 20, 2022
Xaliimo Yarey: Habraaca kuma qorna in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lala kaashado dhaarinta xildhibaannada
 

Axad, Maarso, 20, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), oo ka hadleysay jadwalkii geeddi-socodka doorashada ee guddiga heer federal, ayaa sheegtay in habraacii doorashada uusan ku qorneyn in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lala kaashado qaban-qaabada xaflada dhaarinta xildhibaannada labada aqal.

Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa 15-kii bishan mudeeyay xiliyada isu keenista, shahaaddo bixinta iyo xiliga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada la doortay, balse maamullada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed ayaa ka horyimid oo caddeeyay in aysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.

Xaliimo Yare oo sharraxaad ka bixineysay jadwalka iyada oo xiganeysa habraacii doorashada ayaa tiri “Jadwalka waxaa lagu fiirinayaa habraaca, ma raacsanyahay mise ma raacsana. Anniga waxaan qabaa inta badan wuu raacsanyahay habraacii, maxaa yeelay in lasoo uruuriyo dukumintigii, oo ay kusoo uruurto guddiga doorashada heer federal waa sax, habraaca ayaa sidoo kale sheegaya in guddiga heer federal uu bixinaayo shahaadada.

“Habraaca ayaa sheegayo in uu guddiga federaalka uu soo qaban-qaabiyo dhaarta, iyadana waa sax. Laakiin meel ayaa xoogaa qalad looga daray oo la leeyahay guddiga doorashada oo la kaashanaayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, habraaca sidaasi ma sheegaayo marka. Habraaca waxaa uu leeyahay dhaarinta xildhibaannada soo baxay waxaa diyaarinaaya oo abaabulaaya guddiga heer federal ee FEIT, sidaasi darteed meeshaasi waxaad ka arkeysaa wax yar.

“Wadanka inta badan wax sharci ah laguma shaqeeyo, hadda haddii uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu yiraahdo waxaan oo dhan ayaan la wareegayaa, ma jirto cid dhaheysa ma ahan sharci oo ma sameyneysid laakiin wax walba waa la iska suurtageliyay.

“Anniga waxaan leeyahay habraaca kuma qorna in lala kaashanaayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu madax ka yahay doorashada, waxaa uu la wadaa oo iyagana madax ka ah madaxdii dowlad-gobolleedyada oo waxaa jira kulan ay wada leeyihiin, sidaasi darteed kulankaasi ayaa wixii sharcigaasi aan khilaafeynin laakiin howl lagu fududeynaayo go’aamin kara, sharciga lama khilaafi karo”.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay la kulmay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yusuf, iyaga oo ka wada-haday hirgalinta jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada ee guddigu shaaciyay iyo dhammeystirka doorashada xildhibannada harsan.

Ololaha doorashada madaxweynaha ayaa karaar qaatay, kaddib markii inta badan maamullada ay soo gabo-gabeeyeen doorashada baarlamaanka, oo keliya Jubbaland iyo Hirshabelle ayaa waxaa ku dhiman 31 kursi oo la filaayo in maalmaha soo socda lagu dhameeyo, si loo aado doorashada guddoonka Golaha Shacabka iyo tan Aqalka Sare.



Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]