5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2022
Guddiga loo magacaabay Qiimeynta Xaalada deegaan doorashada labaad ee Maamulka Jubbaland oo Maanta Gaaray magaalada Kismaayo


Arbaco, Maarso, 2, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose guddigii uu Raysal wasaaraha Soomaaliya u magacaabay soo qiimeynta xaalada deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Guddigaan gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle Dhageey, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay guddiga hirgalinta doorashooyinka maamulka Jubbaland iyo Wasiiro ka tirsan Maamulkaasi.

Guddigaan loo magacaabay soo qiimeynta xaalada deegaan doorashada magaalada Garbahaareey ayaa lagu wada in berito iyo waxii ka dambeeya ay gudda gali doonan howlaha horyaala ee loo magacaabay.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa soo qiimeyn doona sidii doorashada Golaha Shacabka uga dhici laheyd deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo ah Magaalada  Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo oo ay yaalaan 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxana la filaya in guddigaan ay u sii gudbaan magaalada Garbahaareey, iyagoona kulamo halkaasi kula yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi iyo maamulka deegaanka.

Tagitaanka Kismaayo ee guddigaan ayaa imaanaya xili Maanta uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Garaad ineysan aqoonsaneyn guddigaan uu Raysal wasaare Rooble u magacaabay soo qiimeynta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee magaalada Garbahaareey.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online