5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2022
Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka horyimid guddigii uu Raysal wasaare Rooble u magacaabay soo qiimeynta arrinta Garbahaareey
 

Arbaco, Maarso, 2, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Garaad Canjeex ayaa ka horyimid guddii uu dhawaan Raysal wasaaraha Soomaaliya uu u magacaabay qiimeynta xaalada deegaan doorashada magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddoomiye Buulle oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn guddiga uu Rqysal wasaaraha u magacaabay ka soo tala bixinta sidii doorashada loogu qaban lahaa magaalada Garbahaareey,

Guddoomiye Axmed Buulle Garaad sheegay in Raysal wasaaraha uu Gedo u soo diray Guddi uu ku jiro Abuukaato Cumar Dhageey oo uu ku eedeeyay in uusan rabin in Garbahaareey ka dhacdo doorashado, islamarkaana uu ka gudbinayo gobolka xaalad aan ka jirin.

“Doorashada saddex guddi ayey leedahay sida sharciga ah waa Guddiga Doorashada ee Heer Federaal, waa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Heer State sidexdaas waayey guddiyada doorashooyinka, Waxaad noo soo dirtay ra’iisul wasaare saddexdaas qof aan aheyn ninka la yiraahdo Abuukaate Cumar Dhagey illaa iyo hadda meel uu ka socdo iyo howl uu qabanayo iyo door uu ku leeyahay doorashada ma garaneyno mana na naqaano" ayuu yiri guddoomiye Buule.

Maalmo kooban ka hor ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi 7 xubnood ka kooban, islamarkaana soo qiimeynaya xaalada deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online