5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2022
Wasiirka Warfaafinta DDS "Ciddii fikir aan dumin ahayn la timaadda waan soo dhawaynaynaa"
 

Arbaco, Maarso, 2, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida oo waraysi kooban siiyay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan xubno horey dowladda uga tirsanaa dhawaanna lamagacaabay garabka sixitaanka.

Wasiirku waxa uu sheegay in wixii isbaddalka ka dambeeyay ay xubnahani ku jireen xukuumadda dowladd degaanka Soomaalida, maantana aysan xilkii haynin, xilkuna uu meerto yahay, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Qaab dhismeedka dowliga la iskagama jirayo, waalaga baxayaa anagu waan ka baxaynaa, hortaayo dad baa joogay, dadna way naga dambaynayaan".

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri "barri qaab dhismeedka dowliga ah een ku jirnay haddii aan ka baxnay, dhaliilihii inaan wax ka barano oon dib isu saxno weeyi ee inaan cambaarayno qaab dhismeedkii dowliga ahaa een ku jirnay munaasib ma aha".

Waxa kale oo uu sheegay in xubnahani maanta garabka sheeganaya ay u fiicnaan lahayd in iyagu ay afkaartooda ka dhiibtaan, oo ay ka halgamaan shirarka xisbiga Barwaaqo, wuxuuna yiri " Siday iyagu sheeganayaan hadday xubno xisbi yihiin waxaa u furnayd inay madasha xisbiga ee la isugu yimaaddo in lagu halgamo".

Mar uu ka hadlayay wasiirku, dhaliilaha xukuumadda loosoo jeediyo siday u wajahdo, waxa uu yiri "Xukuumaddu dhaliilaha iyo galdaloolooyinka loosoo dhigo, wixii jira sixitaan ayaan u qaadanaynaa, wixii fahan darro ka jirtana jawaab ayaan ka bixinaynaa".

Wasiirku hadalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay in ciddii fikir aan dowladnimada duminayn, nabadda la haystana aan waxyeelayn la qaadanayo lana soo dhawaynayo, wuxuuna yiri wasiirku "Ciddii fikir aan dumin ahayn la timaadda waan soo dhawaynaynaa, aragtideedana waan qaadanaynaa, waana ka jawaabaynaa meeshii dhaliil laga soo sheego, ciddii fikir dumin ah la timaaddana sharciga ayaan la tiigsanaynaa, waayo dadku maanta waxay u baahan yihiin inay dawladnimadu sii jirto, meelaha galdaloolooyinku ka jiraana lasii adkeeyo".

Hadalka wasiirka ayaa kusoo hagaagaya xilli muddooyinkii u dambeeyay ay xubno horey ugu jiray xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida, ay ku dhawaaqeen inay yihiin waxay ugu magac dareen garabka sixitaanka, kuwaas oo dowladduna ay ku tilmaantay inaysan sharci ahayn inay isku magacaabaan garabka sixitaanka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]