5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2022
Khilaaf adag oo ka taagan kursiga wasiir Jamaal Maxamed Xasan

Arbaco, Maarso, 2, 2022 (HOL) - Khilaaf adag ayaa ka taagan kursiga uu ku fadhiyo wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan. Waxaana mugdi galay rajadiisa kusoo laabashada barlamaanka Soomaaliya.

Beesha uu kasoo jeeda wasiir Jamaal ayaa labo dhinac u kala qeybsantay, kuwaas oo qeybna ay doonayaan in kursiga loo xiro wasiirka, halka qeyb kale oo uu ku jiro Suldaanka guud ee beesha uu doonayo in wasiir Jamaal aan kursiga la siinin.

Xalay, qaar kamid ah odayaasha beesha wasiir Jamaal ayaa sheegay in ay shaqo Joojin ku sameeyeen Suldaanka, iyagoo ku eedeeyay inuu kasoo horjeedo rabitaanka beesha ee ah inay isku raacsan yihiin in wasiir Jamaal kursiga la siiyo.

Qaar kamid ah odayaasha ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Puntland in ay faro galin ku hayso kursiga beeshooda, islamarkaana uu madaxweyne Deni wato siyaasi lagu magacaabo Cali Mahdi Cilmi Qalato oo u sharraxan kursiga hop169.

Dhinac kale xildhibaanno kale oo barlamaanka Soomaaliya muddo dheer kusoo jiray, ayaa kuraastooda weynaya, waxaana kamid ah, proff. Cabirisaaq Jurile iyo Maxamuud Xayir Ibraahim.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online