5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo Shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 11 kursi oo Baledweyne lagu dooranayo
 

Arbaco, Maarso, 2, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle ayay ku sheegeen in 7-da bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah ee soo socota inay bilaaban doonto diiwaan gelinta Musharaxiinta, islamarkaana maalmaha Talaadada iyo Arbacada oo taariiqdu tahay 8-da ilaa 9-ka bishaan Maarso ay dhici doonto doorashada 11-ka kursi.

Doorashada 11-ka kursi ee jadwalkooda Maanta la shaaciyay ayaa ah kuwa tartankoodu uu yahay kuraasta ugu adag ee taalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, maadama ay kuraasta qaar ku tartami doonaan siyaasiyiin khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo madaxda Hirshabeelle ee hormuudka u ah doorashada Golaha Shacabka.

Kuraasta sida weyn loogu loomi doono tartankooda ayaa la sheegaya iney kala yihiin HOP 004, HOP 066, HOP 063, HOP 058, HOP 010, Musharaxiinta u taagan kuraastaan ayaa ku baaqay in tartanka kuraastan ay noqdaan kuwa daahfuran.

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online