5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2022
Mareykanka oo ka digay weeraro Argagixiso oo Alshabaab u maleegayaan diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya iyo Kenya

Talaado, Maarso, 1, 2022 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa diyaaradaha Rayidka ah ee isaga kala goosha hawada Soomaaliya iyo Kenya ugu digtay inay ka feejignaadaan weeraro kaga yimaada kooxda mintidiinta ah ee Alshabaab.

Sida lagu sheegay talo bixin ay soo saartay hay’adda duulista hawada ee dawladda Faderalka ee Maraykanka (FAA) Sabtidii 26-kii Febraayo, diyaaradaha hawada Kenya ayaa lagu wargaliyay in ay ka digtoonaadaan in ay joog hoose ku duulaan maadaama ay halis ugu jiraan in lagu weeraro hub awood u leh in lagu duqeeyo cirka.

Hay’addu waxay sheegtay in digniintan ay ka dambeysay xog sirdoon iyo qiimeyn lagu sameeyay kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, kuwaasoo doonaya inay billaabaan habka cusub ee weerarrada argagaxisada ah.

Maraykanku wuxuu sheegay inay Alshababab  haysato hub awood u leh in ay ku garaacaan diyaaradaha joog hoose oo gaadhaya ilaa 25,000 feet, iyagoo beegsanaya marka ay duulayaan ama dagayaan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay bil kaddib markii dhowr safaaradood oo Yurub ah ay soo saareen digniino argagaxiso oo ay uga digayaan muwaadiniintooda ku nool Kenya inay ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online