7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Madaxweyne Deni: Waxaan iskusoo sharraxay inaan qeyb ka ahaado dadaal kasta oo xilka looga tuurayo Farmaajo

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay ka go`an tahay inuu qeyb ka ahaado dadaalka kasta oo meesha looga saarayo madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay dhammaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya inay u midoobaan sidii loo beddeli lahaa madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay inuu cid walba oo arrintaas u taagan kala qeyb galayo.

"Hadafka ugu weyn ee aynu leennahay waa inuusan xilka sii joogi karin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo ay adag tahay inuu dalkaan horey usii socdo. Hadafka koowaad oo aan leeyahay waa kaas. waxaan ballanqaadayaa inaan cid walba oo hadaflaas leh kala shaqeeyo," ayuu yiri Deni.

Deni wuxuu sheegay soo laabashada madaxweyne Farmaajo inay dhaawac weyn ku tahay Soomaaliya deganaanshaheeda iyo midnimadeeda.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online