7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Madaxweyne Biixi: Baasboorka Somaliland ayaan ku soo safray waayo maan haysan mid kale
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo waraysi siiyay idaacad laga leeyahay Maraykanka, ayaa wax laga waydiiyay, u jeedada safarkiisa, baasboorka uu ku safray, xiidhka Taiwan, iyo gooni isu taaga Somaliland.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su'aal laga waydiiyay, u jeedada safarkiisaa, ayaa ku jawabay in uu Washington u joogo si uu qadiyada Somaliland uga dhaadhiciyo dadka iyo dowlada Maraykanka.

"Ujeedada as aasiga ah ee aan u joogo Washington, waa in aan dadka iyo dowlada aanu soo booqanay u sharaxno qadiyada Somaliland, Somaliland xaqbay u leedahay in la aqoonsado, sharci ahaan, siyaasad ahaan iyo anshax ahaanba" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay bal hadii ay suuragaltahay in Somaliland Soomaaliya dib ula midowdo, ayaa ku jawaabay in arrintaasi anay suuragal ahayn, isaga oo sheegay in Soomaliya ay 30 sanno qalalaase  ku jirtay, isla markaana anay ka garaabin tacadiyadii dowladii Kacaanku u gaysatay reer Somaliland.

"In aanu Soomaaliya dib ula midowno qodobo dhowr ah dartood suuragal maaha, Soomaaliya 30 sannadood nabad may helin, hogaamiyayaaysheedu way guul daraysteen, Alshabaab waddan kooda kama ilaalin karaan, ilaa hada ma midayn karaan Soomaalida Soomaaliya, dibu  heshiisiin u may samayn, waligood kama garaabin tacadiyadii dadka yaga loo gaystay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

"Waligay iloomi mayno, xasuuqi dadka yaga iyo burburkii magaalooyinka yaga" ayuu hadaliisa sii raaciyay madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo la waydiiyay hadii Taiwan Somaliland tusaale fiican u tahay, ayaa ku jawaabay, "Mar haa marna maya, Taiwan iyo Somaliland waa isku xaalad, iyaga oo aan la aqoonsan ayay maamusheen, dhaqaalahooda iyo nabadooda, ta kale, Maraykanka iyo Yurub Taiwan waxay siiyeen taageero dhaqaale iyo amaan...inkasta oo aanaan taageer haysa sidooda waxaanu ka baranaynaa sida waddan loo maamulo aqoonsi la'aan".

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyau baasboorka uu Maraykanka ugu soo safray ayaa sheegay in uu ku safray baasboorka Somaliland "Haa baasboorka Somaliland ayaan ku imid waayo baasboor kale maan haysan".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online