7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Madaxweyne Deni oo iskusoo sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

"Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan," sidaas waxaa yiri afhayeenka oo qoraal ku faafiyay bartiisa facebook.

Ku dhawaaqista madaxweyne Deni inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya waxay timid saacado kadib markii uu maanta  madaxtooyada kula shiray xildhibaannada Puntland ee labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ee lagu doortay Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa horey loo hadal hayay inuu isku sharraxayo madaxweynaha Soomaaliya marka loo eegayo sida uu  saamaynta ugu lahaa hannaanka doorashada barlamaanka.

Deni ayaa isku sharraxay doorashadii Soomaaliya ee 2017, balse waa uu ku hungoobay doorashadaas, Balse doorashadan wuxuu kamid yahay musharraxiinta ugu saamaynta badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online