7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Galabta lagu doortay magaalada Kismaayo
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Jubbaland ayaa galinkii dambe ee Maanta ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP 124 oo ahaa kursi uu sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi oo loo yaqaano Cabdiraxmaan Dheere, kaasoo ka mid ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa waxaa kursiga kusoo baxay Maanta Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo helay 74 cod oo ahaa dhamaan codadkii ergada, kadib markuu tanasulay Musharaxii la tartami lahaa Cabdullaahi Muqtaar.

Kursiga kale ee sumadiisu tahay HOP 029, waxaa isna Galabta kusoo baxay Axmed Maxamuud Jaamac oo loogu codeeyay hab gacan taag ah, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa oo ahaa Cabdiqani Cali Ciise.

Maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ah labada maamul ee aanan wali dhameystirin doorashada kuraasta Golaha Shacabka, xili maamulada kale ay soo gabagabeeyeen doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online