7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ugu baaqday madaxda Hirshabeelle iyo Jubbaland dhameystirka doorashada
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa Danjire Larry André ayaa soo saaray fariin ku socota madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland Cali Guudlaawe Xuseen iyo Axmed Maxamed Islaam oo ku aadan dhameystirka doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

War qoraal ah oo uu Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayuu kula hadlay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay maamulkiisa uu soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ka socotay deegaanada Puntland ee Garoowe iyo Boosaaso.

Danjire Larry André ayaa madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ugu baaqay iney soo gabagabeeyaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku dhiman labada maamul goboleed.

Hadalkaan kasoo baxay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili waqtigii loogu talo galay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka ay ku akeyd 15-kii bishaan Maarso, taasoo inta badan maamulada kale ay kusoo gabagabeeyeen marka laga reebo Hirshabeelle iyo Jubbaland oo wali ku dhiman tahay doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanla 11-aad ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online