7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Somaliland oo daandaansi ku tilmaantay agabka millateri ee Shiinuhu ugu deeqay Soomaaliya
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille, ayaa qalabka ciidan ee dowlada Shiinuhu ugu deeqday Soomaaliya maalintii Jimcaha, ku tilmaamay talaabo looga danleeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Agaaasime Bille ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, taageerada millateri ee Shiinaha ku tilmaamay daan daansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Taiwan, xili madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Washington.

"In uu Shiinuhu agab millateri siiyo Soomaaliya xili madaxweynaha Somaliland uu safar ku joogo Maraykanka, maaha isku soo aad caadi ah, lakinse waa daan daansi la doonayo in lagu waxyeeleeyo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, iyo iskaashiga soo baxaya ee Maraykanka" ayuu yidhi agaasime Bille.

Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha, ayaa xumaaday tan iyo markii ay sannadkii 2020 xidhiidhka la yeelatay Taiwan, sidookale xidhiidhkan ayaa uga sii daray xidhiidhka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya oo aan awalba fiicnayn.

Somaliland ayaa isku dayaysa in ay xulufaysato waddamada reer galbeedka oo Taiwan saxiib qadiimi ah la ah, waxayna u aragtaa fursad ay reer galbeedka kaga heli karto taageero lamid ah ta ay Taiwan siiyaan, iyadoo ka faa'iidaysanaysa tartanka gobolka Geeska Afrika ay ugu jiraan waddanka Shiinaha iyo waddamada reer galbeedka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online