12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Sirdoonka Somaliland oo lagu eedaynayo in ay jidhdil ugaysteen wariyayaal
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdisalaan Germanay) iyo Cali Mahdi Jibriil oo ah wariyayaal reer Hargaysa ah, ayaa sheegay in ciidan sir doon ah oo hubaysani ay soo weerareen, kadibna ay jidhdil iyo handadaad u gaysteen.

Wariyayaashan ayaa sheegay in weerarku haleelay xili ay kasoo baxeen xaflad lagu sagootinayay tababare Jaamac Karaaciin, kadibna hoteel ay ka cashaynayeen ay kula kulmeen inamada sirdoon ka ah oo ay is garanayeen, Lakin ay Cabdisalaan Germany ku yidhaahdeen jooji "dhaleecaynta madaxweynaha", kadibna markii ay cashada dhamaysteen ay soo daba galeen.

"Inamo yar yar oo aanu u malaynayno sir doonka, ayaa nasoo daba galay, dabadeedna laba gaadhi ayaa nalagu jaray, baastoolada ayaa lala soo baxay, markiiba laba xabadood ayay rideen... gaadhigi ayay igala dageen, runtii jug xoogan iyo dhaawac xoogan ayay ii gaysteen" waxa sida yidhi Cabdisalaan Germany oo gacanta midig dhaawac ka muuqdo.

Wariye Cali Mahdi ayaa sheegay in ciidanku ay u socdeen wariye Cabdisalaan Germanay, isla markaana isaga laftiisa ay dhaawac u gaysteen lakiin ay Cabdisalaan Germany xoog u garaaceen, markii uu ka qabo is yidhina ay ka hor istaageen.

"Mid baa nabar halkaa (wajiga) iga qabad siiyay, mid kale ayaa ku yidhi waa Cali Mahdi eh ka daa, markaa waxan dareemay markiiba in ay Cabdisalaan Germany u socdaan, mid baa bastoolad cabaystay, mid kale ayaa ku yidhi howlgal keena kuma jirin dil eh joog, Cabdi ayay ku miiseen, ka qabaan is idhi nin bistoolad haysta, ayaa joog igu yidhi, kadibna Cabdisalaan ayay garaaceen" ayuu yidhi Cali Mahdi.

Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa marar kala duwan si xoog ah ku kaxaystay wariye Cabdisalaan Germanay, isagoo sheegay in danbi looga dhigay in uu dhaliilo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online