7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Jubbaland oo mamnuucday isticmaalka bacaha balaastigada
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee maamulka Jubbaland ayaa maanta mamnuucday isticmaalka bacaha balaastigada ee lagu qaato alaabaha, iyada oo laga duulayo bad qabka deegaanka iyo dhammaan noolaha.

Wasaarada ayaa hoosta ka xariiqday in aan badda iyo bariga deegaannada Jubbaland laga soo gelin karin wax bac ah laga billaabo 19-ka bisha Abriil ee 2022, iyadoona ganacsadihii lagu arko uu muteysan karo ganaax dhan $1,000 (Kun dollar) iyo in lagala wareego badeecada.

Ganacsatada ayaa lagu wargeliyay in bacaha yaalla gudaha deegaannada Jubbaland ay uga saaraan labo bil gudahooda, oo ka bilaabmaysa Maarso 19, 2022 ilaa 19 May, 2022.

“Mudadaasi kaddib ganacsadihii lagu arko isaga oo bac ku iibinaya gudaha Jubbaland waxaa uu mutaysan doonaa ganaax dhan $250 (Laba boqol iyo konton dollar) iyo in lagala wareego badeecadaas”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaarada.

Marka la tuuro bacaha bulshada ay isticmaalaan waxaa ay halis caafimaad ku tahay xoolaha iyo bilicda deegaanka, waxaana la arkay xoolo badan oo geeriyooday markii ay daaqeen bacaha daadsan magaallooyinka dalka.


Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]