7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Guddiga doorashada Jubbaland oo shahaadada musharraxnimo siiyay afar musharrax


Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad-gobolleed ee Jubbaland SEIT, ayaa maanta shahaadada musharraxnimo gudoonsiiyey afar musharrax oo u taagan tartanka labo kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taalla magaalada Kismaayo.

Musharraxiinta kala ah Axmed Maxamuud Jaamac iyo Cabdiqani Cali Ciise, ayaa u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay #HOP029, halka Cabdullaahi Mukhtaar Maxamed iyo Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ay u tartamayaan kursiga tirsigiisu yahay #HOP124.

Cabdiraxmaan Dheere oo horay ugu fadhiyay kursiga #HOP124, ayaa sannadkan kamid aheyn musharraxiinta kursiga, isaga oo kamid noqonaya xildhibaanno badan oo ku hungoobay in dib loo soo doorto.

Guddiga ayaa shalay shaaciyay magacyada 10 xubnood oo ah guddiga xulista ergooyinka labada kursi.

Labada kursi ee shahaadooyinkooda la bixiyay ayaa kamid ah afarta kursi ee ugu danbeysay ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo ee caasimada ku-meel-gaarka Jubbaland.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]