7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay qarax miino oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo lala eegtay kolanyo kantirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee ka howlgala gobolka Sh/dhexe.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ciidamada Burundi lagula eegtay agagaarka duuleedka degmada Balcad, waxaana la tilmaamay inuu qabsaday qaraxa gaari nooca loo yaqaano Taw oo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo la sheegay inuu kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Askarta Burundi ayaa qaraxa kadib waxay sameeyeen howlgal kooban, hayeeshee ma jirto cid ay usoo qabteen weerarka qaraxa ee lala eegtay.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarka qaraxa miino ayaa waxay sheegeen in qaraxaasi miino ay ku dhinteen ugu yaraan 6 askari oo ka mid ah ciidamada Burundi, islamarkaana ay ku dhaawacmeen sadax askari oo kale.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah la beegsata, xiliyada ay wadooyinka ku socdaalayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online