7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Maraykanka oo sheegay in Soomaaliya ay diiday in Shiinuhu saldhig milatari ka sameysto gudaha dalka
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Taliyaha ciiddanka Maraykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend ayaa sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay u xaqiijisay in aysan oggolaandoonin in China ay saldhig milatari ka sameystaan Soomaaliya.

Gen. Townsend oo wareysi siinayay weriyaha VOA u qaabilsan Pantegon Carla Babb, wuxuu sheegay in dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya kala hadashay saldhigga milateri iyo arrimo kale.

Townsend wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u sheegtay Shiinaha in aysan  oggolaan doonin inuu saldhigga milateri ka sameysto gudaha Soomaaliya.

Shiinaha ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna maalin ka hor siiyay qalab milatari oo caawiya dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.

Shiinaha ayaa doonayaa in uu ballaariyo saldhigyada ciidan ee uu ku leeyahay meel ka baxsan Jabuuti oo ku yaalla xeebaha Geeska Afrika.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha inuu guranayo kheyraadka macdanka Afrika, isagoo u maraya saldhigyo milatari oo uu ka sameysto gudaha Afrika.

Warbixinnada sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Shiinuhu uu qorsheynayo inuu saldhiggii ugu horreeyay ee militari oo joogto ah ka sameysto Badweynta Atlaantigga ee dalka Bartamaha Afrika ee Equatorial Guinea.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online