7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Mareykanka u jooga shirar ku saabsan dhaqaallaha dalka
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa magaalada Washington D.C ee caasimadda dalka Mareykanka kulan kula yeelanaya madaxda hay'adda IMF, Bangiga Adduunka iyo xubno sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo maaliyadda dowladda Mareykanka.

Shirka waxaa diirrada lagu saari doonaa horumarada laga sameeyay barnaamijka dib -u -habeynta dhaqaallaha Soomaaliya iyo arrimaha dhammaystirka deyn-cafinta Soomaaliya, taas oo ay muhiim u tahay hay'addaha dhaqaallaha calaamka.

"Magaalada Washington, waxa aan shirar muhiim ah kula qaadanayaa mas’uuliyiinta hay'addaha dhaqaallaha caalamka sida Bangiga Adduunka iyo IMF oo maalmaha soo socda aan ka wada hadli doonno dhammeystirka hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya. Waxaa naga go'an in aan horumarino hannaanka gabo-gabada deyn-cafinta Soomaaliya oo aan u soo marnay waddo dheer iyo dadaal fara badan" ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Hay’adda IMF ayaa 7-dii bishan Maarso soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan natiijada ka soo baxday shirkii dib-u-eegista 2aad iyo 3aad ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) ee Soomaaliya ay la yeelatay labadii toddobaad ee xiligaasi ka horreeyay hay`addaha Bangiga Adduunka iyo IMF.

War-saxaafadeedka ayaa muujiyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta maaliyadda, iyada oo dalka uu ku jiro abaaro, COVID-19 iyo isbaddelka cimilada.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaa safarkiisa ku wehlinaya danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee Washington Amb. Cali Shariif Axmed, iyadoona booqashada wasiirka ee dalka Mareykanka kusoo aadeyso xili 80% doorashada kuraasta Golaha Shacabka lagu dhammeystiray waqtigii ay u qabteen Golaha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Maarso, balse waxaa dhiman 20%.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]