7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 19, 2022
Xildhibaa Daad: Barlamaanka Puntland waxay xilka ka qaadayaan madaxweyne Deni haddii uu isku sharaxo madaxweynaha Soomaaliya
 

Sabti, Maarso, 19, 2022 (HOL) - Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo katirsan barlamaanka Puntland ayaa sheegay inay xilka ka qaadayaan Madaxwayne Deni haddii uu isku sharraxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Cawil Daad waxa uu sheegay inuu dastuurka Puntland dhigayo, in madaxweynaha uusan qaban karin xil kale. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in madaxweynuhu uu iscasilo haddii uu baxayo.

“Haddii madaxweynuhu isagoo aan iscasilin uu tago, waxay qasbaysaa in baramaanka intuu fariisto uu xilka ka qaado, sida uu qabo qodobka 82aad ee dastuurka farqadiisa koowaad" ayuu yiri Xil, Cawil Daad.

Xildhibaan Daad wuxuu madaxweyne Deni ku eedeeyay xil gudasho la’aan saddexdii sano ee lasoo dhaafay iyo ku tumasho dastuur.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in mudanayaasha barlaamaanka oo awood  sharciyeed ka helaya dastuurka, inay madaxweynaha xilka ka qaadaayan si loo badbaadiyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ahaatee, madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu iskusoo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya. Waxay noqonaysaa markii labaad oo uu isku sharraxayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Deni ayaa kamid ahaa musharraxiinta u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2017, isagoo ku haray wareegii koowaad, helayna codad dhan 17 cod.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online