7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo dhaliilo Culus u jeediyay dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka AMISOM
 

Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalad Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeybgalay kulan ay lahayeen Wakiilada midowga Yurub ee Soomaaliya oo looga hadlayay waqtiga kala guurka ah ee howlgalka AMISOM, arrimaha amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in wali aysan aheyn mid fadhisa, islamarkaana aysan muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo wanaagsan soo qabtay bilowgii, kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka ka mid ah, islamarkana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray, hayeeshee sanadihii danbe uu noqday mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu talagalay taas oo sababteeda ay leeyahiin dowlada Federaalka ah iyo wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha.

Wuxuu intaas ku daray in dowlada Federaalka ah ay ka gaabisay hanaanka isku xirka amniga qaranka oo ay dowladda Ciidamada u isticmaashay arrimaha siyaasada taas oo qeyb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale inay dayacday fursadahii hogaaminta howlgalka AMISOM iyo diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareega amniga dalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay madaxweyne Axmed Madoobe in Dowlada Federaalka ah ay ka baxday heshiisyadii amniga ee ay wada gaareen dhamaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018, dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in ay qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM iyagoo faragalin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya isla markana dhumiyay shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka.

Ugu danbayntii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul laga gaari karo hadii la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan ah si ayna iskugu gurman Midowga Yurub iyo deeq bixiyayaasha ayuu madaxweynahu xusay in baahi weyn loo qabo isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online