7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Wakiiladda Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saaray doorashada Soomaaliya
 

Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Saaxiibadda Beesha Caalamka oo soo saaray War saxafadeed ayaa waxay sheegeen iney la socdaan in doorashada lasoo dhameystiray in ka badan boqolkiiba 80 kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya waqtigii ay u qabteen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo aheyd 15-ka bishaa Maarso.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa lagu booriyay dhamaan daneeyeyaasha doorashada in caqabadaha hortaagan dhameystirka geeddi socodka ee goobaha codbixinta weli harsan ay ku xaliyaan wadahadal iyo wadar ogol lagu qanci karo.

“Waxaan si xoog leh ugu boorrineynaa dhammaan daneeyeyaasha  in caqabadaha hortaagan dhameystirka geeddi-socodka ee goobaha codbixinta weli harsan ay ku xalliyaan wadahadal iyo wadar ogol, si si dhaqse ah oo lagu kalsoonaan karo loogu soo afmeero doorashooyinka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ugu baaqeynaa inay ka foggaadaan hannaanada oo ka mid tahay geeddi-socodyo is garab socda, oo aan ku saleysneyn heshiis ey u dhan yihiin dhinacyada muhiimka ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka

Saaxiibada Beeaha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay ka fogaadaan wax walba oo dib u dhac u keeni kara hanaanka doorashada dalka Soomaaliya.

“Saaxiibada caalamiga ah waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ku boorinayaan inay ku dhawaaqaan u diyaar garowga Hangarka oo ay balanqaadaan ka go’naanshiyahooda si loo tixgeliyo qodobbada dastuurka dastuurka Soomaaliya ee la xiriira geeddi-socod dhexdhexaad ah oo xalaal si loo doorto Af-hayeennada labada Aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

War saxafadeedkan kasoo baxay Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa imaanaya xili inta bada maamulada dalka ay soo gabagabeeyeen doorashada kuraasta labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland kaliya ay ku dhiman tahay dhameystirka doorashada Golaha Shacabka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online