7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Dowladda Shiinaha oo Gaadiid dagaal ku wareejisay Xukuumadda Soomaaliya


Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Danjiraha wadanka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao ayaa Maanta Gaadiid dagaal ku wareejiyay wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Gaadiidkaan Maanta lagu wareejiyay Wasaaradda Gaashaadhiga Soomaaliya ayaa ah mid ay adeegsan doonaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabad kooban oo Maanta ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho oo Gaadiidka ay kula wareegeysay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Danjirha dowladda Shiinaha Shengchao ayaa ugu horeyn sheegay in dowladiisa iyo Shacabka Shiinaha deeqdaan ay ugu talagashay in lagu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha, islamarkaana kaalmo ay ugu noqoto Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isu diyaarinaya la wareegista masuuliyada amniga dalkooda.

“Deeqdaan waxa aan ugu talagalay in ciidamada Soomaaliya ay qayb uga qaataan mas’uuliyadda sugidda Amniga dalkooda, sida maanta aad aragtaan gaadiidkaan ciidan waa kuwa muhiim u ah oo caawinaya ciidanka Soomaaliya sida aan aaminsanahay” ayuu yiri Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in gaadiidka iyo agabka lagu wareejiyay lagu soo beegay waqti si weyn loogu baahan yahay, isagoona sheegay in dowladda Shiinaha ay ka gacansiiso waxyaabo badan oo muhiim ah.

“Waxaan Maanta halkaan u joognaa in aan la wareegno agab iyo gaadiid ay noogu deeqday dowladda Shiinaha oo xiriir qoto dheer naga dhaxeeyay, oo in muddo ah maqnaa balse sanadihii dambe dib usoo laabtay, kaalmadaan waxa ay astaan u tahay saaxiibnimada iyo wax istarida maadaama qof weliba maalin uu wax u baahan yahay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo dhankiisa kanhadlaayay Munaasabadda gadiidka ay kula wareegeysa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiidkan qeyb weyn ka qaadan dooo howlgalada socda ee ay kula dagaalamayaa al-shabaab.

"Dabcan Gaadiidka Qiimaha badan ee noocyada kala duwan ah halkaan yaalla waxa aan aaminsanahay in uu yimid waqti ku habboon oo ay u baahan yihiin ciidanka Xoogga Dalka, waxa aan u mahadcelinayaa Dowladda Shiinaha oo taageero hiil & hoo nala garab-taagan, waa qayb kamid ah dhismaha Ciidanka Xooga Dalka iyo horumarinta Hay’adaha ammaanka Dowladda” ayuu yiri yiri Taliye Odowaa Yuusuf Raage.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online