7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Puntland oo soo gabagabeeyay Doorashada kuraasta Golaha Shacabka


Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa Maanta soo gabageeyay doorashadii kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, kuwaas deegaan doorashadoodu aheyd Puntland.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabtay oo ahaa kuwii ugu dambeeyay kuraasta deegaanada Puntland laga soo doorto ayaa sumadoodu kala yihiin HOP 073, HOP 199, HOP 198, HOP 129, HOP 191 HOP 221.

Kurisiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday magaalada Garoowe oo tirsigiisu yahay HOP 073, waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac, waxaana hab gacan taag ah kusoo baxay Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse ok hekay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod, kadib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Cabdi Jaamac.

Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 199, waxaa kusoo baxay guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdaladhiif Muuse Nuur oo hab gacan taag ah loogu codeeyay kadib markii ay tanaasushay Luul Abshir oo la tartami laheyd.

Kursiga Sadaxaad oo sumadiisu tahay HOP 198, waxaa ku wada tartamay Cismaan Cali Yuusuf iyo Cabdiraxmaan Ciise Maxamed, waxaa ku guuleystay Cismaan Cali Yuusuf oo helay 97 cod, kursiga afaraad ee HOP 129, waxaa ku wada tartamay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Sacdiyo Cabdullaahi Salaad, waxaana ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo heshay 99 cod.

Kursiga Shanaad ee HOP 191, waxaa ku soo baxay Eng Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo hab gacan taag ah loogu codeeyay kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Maxamed Cabdixamiid Warsame.

Kursigii lixaad oo ahaa kursiga ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka ee Puntland Maanta lagu soo gabagabeeyay oo sumadiisu tahay HOP 221, waxaa ku tartamay Cabdirisaaq Xasan Axmed iyo Cali Maxamed Axmed, waxaana ku guuleystay Cabdirisaaq Xasan Axmed oo helay 99 Cod, 100 Ergo oo fadhiday, waxaana ka aamusay hal ruux.

Maamulka Puntland ayaa soo gabagabeeyay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana maalmo ka hor sidaan oo kale soo dhameeystiray doorashada Guddiyada doorashada gobolada Waqooyi, Banaadiriga, Koonfur Galbeed iyo Galmudug halka aysan weli doorashada ku harsan tahay maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online