7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Taliyaha Ciidanka AFRICOM oo walaac ka muujiyay awoodo dagaalamayaasha Al-shabaab

Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Stephen Townsend oo wareysi siinaayay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka uu la wadaagay digniin la xariirta halista ka dhalan ka awooda dagaalamayaasha Al-shabaab oo sii xoogeysaneysay waxii ka dambeeyay sanadkii bilawgii 2021, xiligaas oo uu sheegay iney ku beegan tahay markii ciidamada Mareykanka laga saaray gudaha Soomaaliya.

Stephen Townsend ayaa sheegay in uu qabo welwel la xiriira in Al-shabaab fulin karto weeraro ka dhan ah danaha dowladda Mareykanka, islamarkaana ka baxasan gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxaan tuhunsanahay in Al-shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan gobolka, xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan Al-shabaab sidaasi” ayuu yiri Taliyaha AFRICOM.

Wuxuu intaasi ku daray Stephen Towsend inay la kulmeen caqabado uga yimid go’aanka madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, kaasoo la xiriiray in ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM ayaa go'aankii ciidmaada Mareykanka looga saaray gudaha Soomaaliya ku tilmaamay mid qar iska tuur ah oo hoos u dhigay awoodii ciidamada Ameerikaanka lagu yaqiinay.

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe ay kordhayeen weerarada dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah wadanka Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online