7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo sheegay iney howlgalo qorsheysan ku dileen madax ka tirsan Al-shabaab
 

Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo Guutada 16-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgalo qorsheysan saacadahii lasoo dhaafay waxay ka sameyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada howlagalada ay ka sameeyeen Ciidamada is garabsanaya ayaa kala ah Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamada waxay sheegeen in deegaanadan ay gabbaad u ahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaabka ku sugan gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha oo la hadashay warbaahinta qaar waxay sheegeen in howlgalada qorsheysan ay ku dileen labo horjooge oo ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana ay qabsadeen gaari nooca Succeed-ka ah, 2 qori oo AK47 ah iyo tiro miinooyin ah, waa sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha hogaamineysay howlgalka qorsheysnaa.

Howlgalada mudadii ay socdeen ayaa ciidamadu waxay raashin iyo biyo gaarsiinayeen qaar ka mid ah shacabka abaartu saameysey ee deeganadaas ku nool kuwaas oo uga mahadceliyey ciidanka sida ay gurmadka ula soo gaareen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online