7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Kongaraska Maraykanka oo mooshin kasoo saaray xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka
 

Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Guddida Arrimaha Dibadda Koongaraska Maraykanka, ayaa soo saaray xeer nidaamiye ay ku doonayaan in Maraykanku uu Somaliland kula yeesho xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo mid iskaashi amni oo ka madaxbanaan dowlada Soomaaliya.

Guddida ayaa xeer nidaamiyahan u gudbisay Wasaarada Arrimaha Dibbada Maraykanka, si wasaaradu ay uga soo talo bixiso xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo amaan oo Maraykanku Somaliland la yeesho, waxayna fareen in ay kala tashato wasaarada gaashaandhiga, soojeedintan sharci ayaa lagu soo celin doona koongaraska si uu u meel mariyo.

Qoraal ay guddidu soo saartay ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu sii ahaan doono saxibka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed, lakin wakhtigan adag ee lagu jiro, loo bahanyahay in lala shaqeeyo saxiibada dimuquraadiga ah ee gobolka sida Somaliland.

"Madaama oo uu Geeska Afrika wajahayo qalalaase iyo daganaansho la'aan wakhtigan, in aynu kor u qaadno xidhiidhka kuwa qiimeeya dimuquraadiyada iyo xoriyadaha as aasiga ah, ee gobolka ku yaala, muhiiim ayay u tahay horumarinta danaha Maraykanka ee gobolka iyo kor u qaadista nabada gobolka, taageerida sharciga iyo kala danbaynta iyo xuquuqda aadanaha" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxay ku sheegeen in sharcigani uu Maraykanka u sahli dooni in uu helo fursado badan oo ka dhalan doona xidhiidhkan oo ay sheegeen in labada dhinacba ka faa'iidi doonaan.

Qoraalka soo jeedintan sharci ee guddida ayaa soo baxday kadib kulan uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha waftigiisu la qaateen Guddida Arrimaha Dibadda Koongaraska Maraykanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online