7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 18, 2022
Guddiga doorashada maamulka Puntland oo Maanta soo gabagabeynaya doorashada kuraasta Golaha Shacabka
 

Jimco, Maarso, 18, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland lagu qabto doorashada lix kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, islamarkaana ah kuraastii ugu dambeysay ee lagu dooranayo Puntland.

Ilaa 12 Musharax ayaa isku diiwaan gelisay u tartamida lixda kursi ee Maanta noqonaya kuraastii ugu dambeeysay ee doorashadooda qabtaan guddiga doorashada Puntland.

Musharaxiinta isdiiwaan galisay ayaa Maanta tartami doonta ayaa kala ah, Cabdirisaaq Xasan Axmed, Cali Maxamed Axmed, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo luul Abshir Diiriye, Sacdiya Yaasiin Xaaji (Sacdiya Salaad) iyo Sacdiyo Cabdullaahi Salaad, Cismaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Cabdiraxmaan Ciise Maxamed, Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato) iyo Maxamed Cabdixamiid Warsame, Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac.

Guddiga doorashada maamulka Puntland ayaa noqon doona guddigii shanaad ee soo gabagabeeya doorashada kuraasta labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaliya, waxaana hari doona maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online