7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Qarax goordhaw ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino nooca wadada dhinaceeda la dhigo ee qabsata gadiidka, waxaana la sheegay in lala beegsaday gaari nooca loo yaqaano NOHADA.

Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan iney saarnayeen niman u dhashay wadanka Turkiga, lama oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxa lala beegsaday nimanka Turkida.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa miino ee goordhaw ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online