7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay ergayga geeska Afrika u qaabilsan dowladda China

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda China u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo ergayga gaarka ah ee dowladda China u qaabilsan geeska Afrika Xue Bing ayaa ahaa mid ay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka laba dal.

Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay ergeyga geeska Afrika u qaabilaan China wax ka qabashada arrimaha abaaraha ee xiligaan ka jira deegaanada Soomaaliya sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dowladda China gurmadka loo sameynayo dadka abaaruhu halakeeyeen ee ku dhaqan gobolada dalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imaanaya xili maalmahii lasoo dhaafay Raysal wasaare Rooble uu kulamo kala duwan la yeelanayay madaxda Beesha Caalamka, asigoo ugu baaqay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed oo ay baartu saameysay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online