7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2022
Guddoomiye Xaliima Ismaciil: Jadwalka ay soo saareen Guddiga FEIT waxaa igala qaldan in xafladda dhaarinta xildhibaanada ay iyagu qaban-qaabinayaan

Khamiis Maarso, 17, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook uga hadashay jadwalka ay soo saareen guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT). 

Gudoomiye Xaliima Yarey ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in guddiyadda doorashooyinka dadban ay wajibaadkoodu kala cadyihiin isla markaasna guddiga FEIT ee heer federaal wajibaadkooda uu ka midyahay inay shaaciyaan natiiyada ugu dambeysa ee kuraasta xildhibaanada iyaga oo aan waxba ka badalin natiijooyinka ay soo gudbiyeen guddiga doorashada dadban ee heer gobol ee SEIT.

Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ayay sidoo kale Xaliima Ismaciil sheegtay in doorkooda ay ka mid tahay bixinta shahadooyinka xildhibaanada kadibna ay u gudbiyaan Xoghayayaasha Guud ee Barlamaanka Soomaaliya faylka xildhibaanka oo dhamaystiran. 

“Jadwalka ay soo saareen FEIT waxaa ka qaldan qodobka ugu dambeeya oo sheegaya in xafladda dhaarinta xildhibaanada ay qaban qaabinayaan FEIT oo kaashanaya xafiiska ra’isulwasaaraha” ayay ku tiri Xaliima Ismaciil qoraalka ay soo saartay. 

Jadwalka ay soo saareen guddiga FEIT ee heer federaal waxaa ku jira qodob sheegaya inay mid-mid u hubin donaan dukumentiyada xildhibaanada labada aqal ka hor inta aan loo gudbin Xoghayayaasha Guud ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa qoraallo ay soo saareen uga horyimid jadwalka ay soo saareen guddiga FEIT.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in xafiiska ra’iisulwasaaraha iyo guddiga doorashooyinka heer federaal aysan wax shaqo sharciga waafaqsan ku laheyn u yeerista xildhibabaanada la doortay, taas badalkeed dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay kelliya aqbaleyso jadwal ay ku heshiiyaan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Dhinaca kale dowlad gobaleedka Galmudug ayaa dhankooda ka horyimid qoraalka ka soo baxay guddiga doorashooyinka FEIT.

Safaraadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iyaguna qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka waxay ku soo dhaweeyeen jadwalka ay soo saareen guddiga FEIT. Waxay qoraalkooda ku sheegayeen inay rajeynayaan la kulanka xildhibaanada cusub marka la dhaariyo 14 April 2022. 

Qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro qilaaf ku saabsan cidda qabaneysa munaasabda dhaarinta xildhibaanda iyo cidda awood u leh inay soo saaraan jadwalka dhameystirka doorashada 2020-2022. 

Hiiraan Online News desk