7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Afhayeenka ONLF " Khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF waala xalin karaa, haddii dowladdu gacanteeda kala baxdo"

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani hirmooge oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF, iyo waxa ay ka aaminsan yihiin garabka ONLF ee iclaamiyay shirwaynaha dib u dhacay.

Caddaani waxa uu sheegay in khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF uu imbadan jiray, marar kala duwana la isku dayay in la xaliyo, wuxuuna yiri Afhayeenku " Khilaafka jira in la xalliyo hadda ka hor waan isku daynay, marar badana waala qaboojiyay, haddana wuu soo laba kacleeyay, haddii dowladdu gacanteeda kala bixi lahayd waala xallin lahaa, haddana in xal loo heli karo ayay ila tahay, waana xallin doonaa"

Mar uu ka hadlayay garabka kale oo shirwayne ay iclaamiyeeni uu baaqday, waxa uu Afhayeenku sheegay in garabkaasi ay yihiin ONLFta gacan ku samayska ah waa siduu hadalka u dhigayee, dowladduna ay gacanta ku wadato garabkan, bayaannada iyo go'aanada ay soo saaraana uusan Jigjiga dhaafin, haysanina wax sharciyad ah, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenku.

Waxa kale oo uu sheegay Afhayeenku in dowladda Itoobiya ay waligeed is garab orodkan waday, oo ay ONLFta sharciga ah ka garab dhisi jirtay mid aan sharci ahayn, wuxuuna yiri "Isgarab orodkan umbay waligeed Itoobiya nagu haysay,  kolba mid usoo xarooday intay dibadda ka keento, ama dalalka deriska ah ayay ONLF ku sheegi jirtay, sidoo kale dad aan taageero noo ahayn oo afkii ONLF ku hadlaya oo guddoomiyayaal ah ayaan hadda ka hor arki jirnay, tii ayuumbaa wali jirta".

Khilaafka ka jira gudaha ONLF ayaa muddo soo jiitamayay walina jira, iyadoo markii dambe u kala baxay labo dhinac oo midba kan kale eedaymo usoo jeedinayay, Afhayeenka ayaa rajo fiican ka muujiyay in la xalin karo khilaafka, balse waxa uu sheegay in gacanta dowladdu aysan ka madhnayn khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF, haddii ay dowladdu faraheeda kala baxdana xal la heli karo, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]