7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Caro ka dhalatay askar Kenyan ah oo lagu dilay Soomaaliya
 

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada dhinaceeda lagu aasay, sida ay sheegeen qoyska mid ka mid ah askarta dhimatay.

Dowladda iyo Ciidamada Difaaca Kenya ee (KDF) midkoodna si rasmi ah ugama hadlin dhimashada askarta – taas oo ka careysiisay Prof J Ole Kiyiapi. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in walaalkiis, Johnson Olemoi Kiyiapi, uu ka mid ahaa kuwa la dilay.

Prof Kiyiapi, oo mar soo noqday musharrax madaxweyne, ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in mas'uuliyiinta ay maamuusi waayaan geerida geesiyaasha, sida uu u dhigay hadalka.

Wuxuu sheegay in Talaadadii ay qoysku ogaadeen geerida walaalkiisa ka yar, kaddib markii saraakiisha ciidamada ay booqdeen gurigooda oo ku yaalla miyiga Rift Valley.

“Tani ayaa ah waxa iga careysiiyay. Raggan dhallinyarada ah waxa ay diyaar u ahaayeen in ay dalkooda difaacaan” ayuu u sheegay BBC-da.

"U fiirso sida Maraykanku uu ula dhaqmo askartooda ku dhinta dagaalka, waa la ixtiraamaa, waana la aqoonsan yahay, laakiin halkan waa maalmo kaddib markii dawladda iyo militarigu ay aamuseen" ayuu raaciyay.

Weerarka oo dhacay gelinkii dambe ee Isniinta, ayaa ka dambeeyay kaddib markii gaari xamuul ah oo ciidanka ay saarnaayeen uu dul maray qarax ay al Shabaab ku aaseen waddada dhinaceeda.

Gaariga xamuulka ayaa waday biyo uu kasoo dhaamiyay deegaan ku yaalla gudaha dalka Kenya. Wasaaradda gaashaandhigga ma aysan faahfaahin arrimaha ku saabsan weerarka balse sawirro ayaa muujinaya in gaariga uu aad u burburay.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]