7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo lagu qaabilay xarunta baarlamaanka Maraykanka
 

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Maraykanka, kula kulmay xarunta baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Maraykanka Senator Chris Van Hollen ahna Gudoomiyaha Guddi hoosaadka, Guddida Arrimaha Dibeda ee Aqalka Odayaasha u qaabilsan Afrika iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Maraykanka, Adam Smith, ahna Gudoomiyaha Guddida  Adeega Ciidamada ee Golaha Wakiiladda Maraykanka, sida lagu sheegay qoraal Madaxtooyada Somaliland baahisay.

Xildhibaan Chris Van Hollen iyo masuuliyiin kale, ayaa madaxweynaha Somaliland qado sharaf ugu sameeyey xarunta Copitol Hill, waxayna sheegeen in safarka madaxweynaha Somaliland kusoo beegmay xili loo baahnaa, sida madaxtooyadu mar kale sheegtay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadanaya qaybaha kala duwan ee dowlada Maraykanka, isagoo kulankan kulankii ka horeeyayna la kulmay saraakiil ka tirsan wasaarada difaaca ee Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa cariga Maraykanka ku sugnaan doona muddo 10 cisho ah, isagoo ku guda jira maalintii 5aad ee safarkiisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]