7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Madaxweynaha Galmudug oo ka digay dib dhac markale ku yimaada doorashada dalka
 

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlaayay Munaasabad lagu sagootinaayay Xildhibaanada cusub ee laga soo doortay deegaanada Galmudug ayaa ka digay dib u dhac markale ku yimaada doorashada dalka.

Madaxweyne Qoorqoor oo sheegay in mudo sanad ah ay dib u dhacday doorashada dalka oo ay hareeyeen  caqabado siyaasadeed iyo is jiid jiid, hayeeshee haatan laga soo gudbay inta badan maraxaladhii sababta u ahaa jiid jiidka, islamarkaana loo baahan yahay in si dhaqsi ah loo soo dhameystiro doorashada dalka.

" Waxaan dooneynaa in doorashada dalka hore loo galo oo aan dalka dib loo celin, kuna sii jirin is jiid jiid iyo dib u dhac dambe, si aysan saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera dowladda Soomaaliya niyad jab intaas ka badan aysan nagu qabin oo Soomaalida dhibaato intaas ka badan kusii jirin, Waqtiba uma baahna in lasii wado oo waxaa la doonayaa in hadaba la isu geeyo Baarlamaanka si uu u doorto Guddoonka iyo madaxweynaha, sidaas darteed dalka inta uu dib u dhac qabo ayaa ku filan si uu uga baxo dabaca iyo jiitanka mudada dheer taagnaaā€¯ ayuu yiri madaxwenaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa intaasi ku daray in maamulkiisa uu kusoo gabagabeeyay doorashada Golaha Shacabka waqtigii loogu talo galay ee ahaa 15-ka Maarso, isagoona ugu baaqay maamulada kale ee dalka iney soo gabagabeeyaan doorashada Golaha Shacabka.

Guddiyada doorashada maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, Baadiriga, iyo gobolada Waqooyi ayaa dhamaantood soo gabagabeeyay doorashada kuraasta labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana doorashada wali aanan soo gabagabeyn maamulada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online