7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Sacuudiga oo fasaxay dhoofka xoolaha Soomaalida
 

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa shaacisay in dowlada Sacuudi Carabiya, ay dib u fasaxday dhoofka xoolaha Soomaalida, oo xayirnaa in muddo ah.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga  Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay in dowlada Sacuudigu ay si rasmi ah u fasaxday dhoofka xoolaha oo dowlada Sacuudigu ay joojisay muddo kahor.

"Waxaa maanta farxada in aynu isku sheegno in dhoofkii xoolaha ee Sacuudiga ee mudada inaga xidhnaa la fasaxay, oo dowlada Sacuudi Carabiya ay furtay una furtay dalalka Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ay si siman ugu furtay" ayuu yidhi Wasiir Sulub.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan isku diyaarinayaan dhoofinta xoolaha, isla markaana, ay diyaar  garanaynayaan maxjaradii iyo dhakhaatiirtii xoolaha, dhinaca kalena, ganacsatadii xooluhu ay bilaabayaan iib keenista xoolaha.

"Waxaanu isku diyaarinaynaa maalmahan sidii maxjaradeena Berbera ay ugu diyaar garoobi lahaayeen xoolaha dhoof koodii, shaqaalaha wasaarada caafimaadka, ganacsatadii xooluhuna sidaa si leeg ayay diyaar ugu tahay in ay howshaa ka howlgasho" ayuu yidhi wasiir Sulub.

Wasiirka ayaa sheegay in fasaxa dhoofka xooluhu uu kusoo hagaagay xili, ay dhaqaalaha Somaliland wax yeeleeyeen caabuqa Covid19 iyo abaaraha, waxaanu sheegay in dhoofka xooluhu uu laf dhabar u yahay dhaqaalaha Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online