7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 17, 2022
Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo kulamo ka wada Garowe iyo Kismaayo
 

Khamiis, Maarso, 17, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee baarlamaanka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, si ay ugala hadlaan arrimaha xaqiijinta qoondada haweenka.

Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay wasiirada haweenka Jubbaland marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil iyo ku-xigeenkeeda marwo Idil, iyaga oo ka wareystay xaaladda ay mareyso qoondada haweenka iyo waxa u qorsheysan, si ay u xaqiijin lahaayeen qoondada haweenka.

Zahuur Yuusuf, oo kamid ah guddiga ayaa warbaahinta u sheegtay in madaxweynaha uu si wanaagsan usoo dhoweeyay guddiga, kana ballanqaaday sidii uu gabdhaha ugu hiiliyay doorashadii 2016 in uu haddana ugu hiilin doono, si ay u gaaraan qoondadooda.

Wasiirada iyo ku-xigeenkeeda ayey sheegtay in ay ballanqaadeen dar-dargelinta kulamada ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybahooda kala duwan, si loo sii wado dadaalka xaqiijinta qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba.

Odayaasha dhaqanka ayey ugu baaqday in ay culeeyska ka qaadaan gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed, si ay u gaaraan qoondadooda.

Jubbaland waxaa ku harsan doorashada kuraas badan madaama ilaa iyo hadda aan la bilaabin deegaan doorashada labaad ee Garbahaareey, halkaasi oo ay yaallaan 16-kursi.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee baarlamaanka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo xubno ka tirsan guddiga.

Guddiga ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay fursadsiinta haweenka ku metelaya Puntland labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba doorka haweenku ku leeyihiin maamulka Puntland.

Doorashada lix kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo ku dhiman maamulka Puntland ayaa la filayaa in berri lagu doortay magaalada Garowe, waxaana kursi kamid ah lixdaasi uu yahay qoondada haweenka.

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban 13 xubnood, kana shaqeynaya hubinta matalaadda haweenka ee goleyaasha barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]